DAAWO: Isimadda ugu waa weyn Puntland oo ka soo horjeestay Shirka Qardho ee uu Iclaamiyey Boqor Burhaan Boqor

DAAWO: Isimadda ugu waa weyn Puntland oo ka soo horjeestay Shirka Qardho ee uu Iclaamiyey Boqor Burhaan Boqor
Isimadda ugu waa weyn deegaanada Puntland qaarkood oo shir ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka soo horjeestay shir uu iclaamiyey in Qardho lagu qabanayo Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxa ayna sheegeen in Shirkas uu yahay mid lagu soo beegay xili xasaasi ah oo ay tahay in laga hadlo arrimo ka mudan ujeedada shirka hadda loo qabanayo.

Isimada shirkan Garoowe ku qabtay oo ay ka mid yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase & Isimo kayimid gobalada Sool, Cayn & Mudug waxay sheegeen in ay xili xasaasi ah ku jirto Puntland & Soomaaliya oo ay wax la wadaagto, loona baahan yahay in laga wada tashado arrimahaas, balse shirka Qardho uu yahay mid laga leeyahay dano gaar ah.

HALKAN KA DAAWO
Developed by Jago Desain