Posts

DEG DEG : inkabadan 300 tahriibayaal SOOMAALI ah oo lagu la’yahay Badda Talyaaniga & Masar

Sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaraya Dooni ay la socdeen Tahriibayaal badan oo Soomaali ay ku jiraan ayaa lagu layahay biyaha u dhaxeeya wadamada Masar iyo Talyaaniga.

Doontaan oo ka baxday xeebaha Masar ayaa waxaa saarnaa ilaa iyo 390-ruux oo Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan dalka Masar

Mudo 15-maalmood ah ayaa Doonida ay saarnaayeen dadkaan waxaa la sheegayaa in wax war ah aanan laga haynin halka ay ku danbayso.

Qaar ka mid ah waalidiinta Tahriibayaasha ayaa waxay aad kaga walaacsanyihiin xaalada dadkooda oo aysan Nolol iyo Geeri midna ku haynin.

Tahriibayaasha faraha badan ayaa doonayay inay tagaan wadanka Talyaaniga iyo waliba wadamada kale ee qaarada Yurub.

Dhowaan ayay hayd markii dooni ay saarnaayeen dad Tahriibayaal ah ay ku dagtay biyaha u dhaxeeya labadaan dal ee Masar iyo Talyaaniga taasi oo ay ku dhinteen ilaa iyo 200 oo ruux oo Soomaali ah.
Developed by Jago Desain