Deg Deg:- Madaxweynaha Puntland oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Dalka Jabuuti

Deg Deg:- Madaxweynaha Puntland oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Dalka Jabuuti
Boosaaso (Baargaal.net ) Magaalada Boosaaso ayaa shalay waxaa ka dhacay shaqaaqo taasoo udhaxeysay ciidamo ay kala hogaaminayeen Taliyaha ciidanka boliiska iyo Taliyaha ciidanka Birmadka, Waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu xarunta madaxtooyada kulamo kula qaadanayaa saraakiisha amniga maamulka Puntland, waxaana uu kala hadlayaa sidii amaanka Puntland loo xoojin lahaa.

Maamulka Puntland oo wali kama aysan hadlin shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay in uu ka baaqday safar maanta uu ku tagi lahaa dalka Jabuuti, si uu uga qeyb galo caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain