DEG DEG: Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Puntland

DEG DEG: Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Puntland
Wafdi ka socda dawladda Talyaaniga ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Boosaaso ee Puntland, waxaana soo dhaweeyey Madax kasocota dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayuu hadda la leeyahay shir gaar ah oo ay uga hadlayaan xaaladdaha maalgalinta Puntland.

Ujeedada socdaalka wafdiga Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan dhagax dhigida qeybta cusub ee lagu soo kordhin doono madaarka cusub ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Gaas wuxuu horey u balan qaaday in kor loo qaadi doono Kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland, ayna lagama maarmaan tahay in Dunida oo dhan laga raadiyo maalgalinta.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka calbari 
Developed by Jago Desain