Posts

Isimo reer Puntland ah oo isu taagay inay damiyaan khilaafka ka dhex taagan Isimada Puntland



Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise iyo Suldaan Cabdiwahaab Maxamuud Gurey oo kamid ah Isimada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Mudug ayaa magaalada Garowe kulan kula qaatay Garab kamid ah Isimada Puntland oo ku shirsan caasimadda Puntland, kuwaas oo uu shir guddoon u yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed.
Labada Isin oo uu socdaalkoodu ku qotamo badbaadinta Isimada Puntland, kanasoo safray magaalada Gaalkacyo ayaa Islaan Ciise iyo garabkiisa ku sugan Garowe ka codsaday inay joojiyaan shirka ay ku leeyihiin Garowe, si ay dhex dhexaadin uga galaan khilaafka xoogan ee ka dhex taagan Isimada Puntland oo ukala jabay labo garab.

Sida xogta lagu helay, Islaan Ciise iyo Isimada la aragtida ah waxaa la xaqiijiyay inay 100% aqbaleen codsiga labada Isin ay ula yimaadeen, waxayna sheegeen inay soo dhoweynayn doonaan wixii wanaag iyo maslaxad ah oo ay keenaan Amiir Maxamuud iyo Suldaan Cabdiwahaab.
Intaas kadib, waxay Isimadu maanta galinkii dambe u ambaxeen magaalada Qardho, halkaasi oo ay ku balansan yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isna hogaaminaya garabka Isimada Qardho ku sugan, iyagoo sheegay inay Boqorka kala hadli doonaan inuu dib u dhigo shirka uu isugu yeeray Salaadiinta Soomaaliyeed inta meesha laga saarayo khilaafka Isimada Puntland oo haatan maraya meeshii ugu weynaa.

Waxay sheegeen inay rajo wanaagsan ku qabaan inuu boqorku codsigaas aqbalo islamarkaasna dib loo dhigo shirka lagu balansan yahay Qardho, si loo ilaaliyo jiritaanka Isimada Puntland iyo haybada ay ku dhexleeyihiin ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda.

Socdaalka Isimada ayaa kusoo beegmaya iyadoo magaalada Qardho ay kusii qul qulayaan madax dhaqameedyo kala duwan oo Soomaali weyn ka socda, kuwaasoo ka qeyb galaya shirka Isimada Soomaaliya, oo uu marti geliyay boqor Burhaan, laakiin waxaa shirkaas ka horyimid, oo ku tilmaamay mid aan loo dhamayn qaar kamid ah Isimada Puntland oo ku sugan Garowe, kuwaas oo soo saaray warsaxafadeed loogasoo horjeedo shirka Qardho.
Developed by Jago Desain