Posts

Madaxwaynaha Puntland oo tacsi diray sidoo kalena shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada 2016

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa ka war bixiyay socdaalkiisii Jabuuti, iyo xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Jabuuti.

Gaas waxa uu sidoo kale tacsi ka diray allaha u naxariistee geeridii ku timi Ugaas Ciise Ugaas Cabdule Ugaas Cali oo si weyn looga yaqaanay dalka gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya,

madaxwaynaha ayaa sheegay Puntland inay ka qayb gali doonta aaskiisa oo lagu samaynayo magalada Caabud-waaq ee Gobalka Galgaduud.

Dhinaca kale Gaas waxa uu sheegay inay dalka kusoo fool lee dahay doorashada 2016 sidaasi darteedna shacabka Puntland looga baahan yahay iney u diyaar garoobaan.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain