Posts

Saadaasha Hawada :Roobab Xoogan oo Duufaan wata oo kusoo Wajahan Gobolada Bari iyo Nugaal

Saadaasha hawadu waxay sheegaysaa in roobab lixaad leh oo xanbaarsan duufaano iyo daadad ay ka da'i doonaan Maalmaha soo socda qaybo kamid ah Deegaanada Puntland, Sida la saadaalinayo Roobabkaan waxay kusoo beegan yihiin laga bilaabo jamcada ama sabtida hadiiba uusan kasoo hormarin.

Roobka wuxuu xadigiisu gaari doonaa 75mm waxaana ay saadaashu sheegaysaa in xeebaha gobolka Bari iyo Nugaal meelo ka mid ah ay roobabku saamayn weyn ku samay doonaan ayna suurtagal tahay in khasaare ay gaystaan roobkaas duufaanta wata. Waxaa si gaar ah loo wargelinayaa dadka ku nool degmooyinka Eyl iyo Balli Dhadin oo ay saadaashu sheegayso inay ka dhici doonaan daadad xoogan.

Dadweynaha ku dhaqan dhulka hooseeya iyo Xeebaha ayaa aad loogu digayaa iney foojignaadaan.

Saadaasha Hawadu waxay qiyaasayaan in Roobabkaan ay biyo badan keeni doonaan ayna wataan duufaan sababi kara Daad xoogan.
Saadaasha waxaa diyaariyey hayadda SWALIM, waxaana soo gudbinaya Wasaaradda Deegaanka Puntland
Developed by Jago Desain