Shirkada DP World‏ ‏ee imaaraadka oo madaxwayne ‏C/wali gaas kala xaajoonaysa dekeda boosaaso‏ ‏

Shirkada DP World‏ ‏ee imaaraadka oo madaxwayne ‏C/wali gaas kala xaajoonaysa dekeda boosaaso‏ ‏


Ka dib wada xaajoodkii dekedda Berbera, masuuliyiinta shirkada dakadaha maamusha ee DP World‏ ‏ayaa bilaabay wadaxaajood ay ku doonaayaan inay kula wareegaan maamulka dekedda Boosaaso xarunta ganacsi ee dawlad goboleedka Puntland, iyadoo uu madaxweynaha dawlada Puntland‏ ‏‎ C/wali maxamed cali gaas uu booqan doono magaalada Dubai isbuucaan si uu u bilaabo wada tashi iyo heshiis uu la saxiixdo masuuliyiinta Shirkada DP World‏.‏

Shirkada DP World ayaa gacanta ku haysa dekedaha cadan , Mukalla iyo casab iyadoo saamayn xoog leh ku leh Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas

Waxaa xusid mudan in Jabuuti Ay cayrisay shirkadda ka dib tirada haamaha oo heerka ugu hooseeya gaaray iyadoo hadda labada dhinac kiiskoodu maxkamaddaha horyaal waxaan la joojiyay in muwaadiniinta Jabuuti u dhashay ay booqdaan dalka imaaraadka carabta ka dib markii khilaafka u dhexeeya labada dhinac uu meel xun gaaray

sidoo kale Shirkada DP World‏ ‏Waxay iibiyeen saamigii ay ku lahaayeen dekeda Cadan ee dalka Yemen

waxay ahayd Sannadkii 2006, markii shirkada DP World iyo xukuumada Jabuuti ay wada galeen heshiis iskaashi soconaya muddo soddon sannadood oo ay Shirkada DP World‏ ‏ku maalgelinayso dekeda lana dhigayo konteenaro
Developed by Jago Desain