Posts

DEG DEG :Wasaarada waxbarashada Puntland oo joojisay imtixaankii fasalka 8aad ee sannadkan 2016 kuna bedeshay imtixaan cusub.


Waaxda imtixaanaadka ee wasaarada waxbarashada puntland ayaa soo saartay dhambaal ay ku ogaysiinayso dhammaan ardayda, macallimiinta, waalidka, iyo bahwaynta ka taageerta imtixaanaadka in la joojiyay imtixaankii fasalka 8aad ee sannadkan 2016 laguna bedelay imtixaan cusub.

imtixaanka cusub ayaa yimid ka dib markii la jabiyay qolkii uu ku jirya imtixaankii hore xilli uu kormeerihii imtixaanku salaad ku maqnaa laguna faafiyay baraha lagu xiriiro taas oo keentay fasaad iyo burbur dhaqaale aan la qiyaasi karin.

imtixaanka cusub ayaa ku socon doona qorshihii iyo jadwalkii kii hore loo diyaariyay iyadoo maado walbana la geli doono maalintii iyo saacaddii loo qorsheeyay.

wasaaraddu iyadoo ilaalinaysa hufnaanta imtixaanka ayay soo saartay go'aamadan hoos ku cad:
1. In xabsiga la soo dhigo dhammaan intii ka dambaysa fal dambiyeedkan loona dhaadhiciyo maxkamad.
2. in la joojiyo imtixaankii fasalka 8aad laguna bedelo imtixaan cusub oo ku socon doona jadwalkii hore.
3. in maadooyinkii la galay laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 22 May dib loogu celiyo ardayda.
4. in la adkeeyo ammaanka xarumaha imtixaanka lagu kaydiyo si looga hortago fal dambiyeed noocan oo kale ah.
Haddaba dhammaan bulshada Puntland waxaan u caddaynaynaa in aan waxba iska bedeli doonin hufnaantii iyo nasaahadii lagu bartay imtixaanaadka Puntland, la ilaalin doono kalsoonida bulshada iyo ardadayda intaba lagana fogaan doono wax kasta oo keeni kara in ay dhaawacdo sumcadda, magaca iyo sharafta imtixaanaadka
Developed by Jago Desain