Posts

WAR DEG DEG AH: Taliyihii ciidamada Police-ka iyo taliyihii Birmadka Puntland oo xilalkii laga qaaday

Wararka deg dega ah ee ka soo baxay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Boosaaso waxa ay ku waramayaan in goor dhoweyd wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha uu xilkii kaga qaaday Taliye yaashii ciidamada Police-ka iyo Birmadka ee Puntland.

Sida aan wararka ku heleyno waxaa lagu xusay wareegtada xilka loogaga qaaday labadan taliye in madaxweynuhu xilka ka qaaday labada sarkaal islamarkaana loo sababeeyay ka dib dhacdadii gacan ka hadalka aheyd ee 5tii bishan ka dhacday gudaha Boosaaso,

C/risaaq Maxamuud Yuusuf oo ahaa taliyihii ciidanka Police-ka Puntland iyo taliyihii birmadka Cismaan Xasan Cowke Afdalow ayaa xilalkii laga xayuubiyay iyadoo aan weli la magacaabin taliyaha ciidanka Birmadka,balse waxaa in uu sii hayo xilalkaas loogu magacaabay taliye ku xigeenkii ciidanka Police-ka Puntland Gen C/qaadir Shire Faarax Ereg.
Developed by Jago Desain