Posts

XOG: Madaxwayne Gaas oo Isku shaandheyn ku sameyn Doona wasaaradaha shaqadoodu gaabiska tahay


Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qorsheynaya inuu isku shaandheyn ku sameeyo wasiirada shaqadoodu gaabiska tahay ee aan wax horumar ah gaarsiin wasaaradaha ay garwadeenka ka yihiin kadib markii ay bateen cabashooyinka shacabka ee ku aadan wasaaradahaas oo ah wasaarado miisaan wayn bulshaduna ka sugaysay adeegyo badan.

ila ku dhaw Madaxweynaha ayaa sheegaya in madaxwaynuhu ku fakiraayo sidii kor loogu qaadi lahaa shaqada shacabka loo hayo, loona dar-dargalin lahaa shaqada dawladda asagoo dhawaan qorshaynaya in wasiiro badan laysku bedelo, oo wasiiro shaqadoodii ku guulaystay bulshaduna u riyaaqeen lagu abaal mariyo wasaarado kale oo shaqo u baahan

Madaxweyne Cabdiwali Gaas tan iyo markii uu la wareegay Hogaanka dawladda Puntland, wuxuu dadweynaha u balan qaaday in meel banaan lagula xisaabtami doono Wasaaraddaha dawladda, iyadoo la og yahay in bilowgii sannadkan Wasiirada su’aalo la weydiiyey ayna soo bandhigeen waxqabadkooda, iyadoo markaas la dareensanaa in uu Madaxweynuhu sameyn doono isku shaandheyntan balse arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya aad loogu mashquuley

dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in isku shaandhayntan ay dabada ka riixaayaan shakhsiyaad raba inay ka soo dhex muuqdaan golaha wasiirada puntland taas oo uu ka caga jiidaayo madaxwaynaha puntland oo ku qanacsan shaqada golahiisa wasiirada xiligan
Developed by Jago Desain