Dalka Tanzania oo laga helay shidaal muhiim ah

Dalka Tanzania oo laga helay shidaal muhiim ah
Saynisyahanno ayaa sheegay in ay Tanzania ka heleen wax ay ugu yeereen shidaal badan oo ah nooca loo yaqaanno Helium.

Shidaalka noocan ah yaa aad muhiim ugu ah baaritaanka caafimaadka ee MRI loo yaqaano, quwadda korontada ee Nukliyeerka laga dhaliyo iyo waxyaabo kale oo badan.

Waxaa jirtay cabsi laga qabay in uu gabaabsi ka noqodo adduunkaba.

Hadda koox ka socota jaamacahada Britain ee Oxford iyo Durham iyo shirkad Norway laga leeyahay ayaa sheegay ay heleen kayd baladhan oo shidaalkaas ah.

Waxay sheegeen in laga yaabo in hal goob oo kali ah ay ku jirto konton iyo afar bilyan oo cubic feet, taas oo ku filnaan karta in kabadan 1.2 milyan oo MRI (MRI waa mashiin casri ah oo lagu baaro jirka banii aadamka taas raa raajitada ka sii casrisan).

Xigasho: BBC
Developed by Jago Desain