Degdeg : Madaxwaynaha puntland oo todobaadkan Isku shaandheyn ku sameyn Doona wasaaradahii ku fashilmay isla xisaabtankiii golaha xukuumada




Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas oo maanta la hadleyey Mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in dhawaan lasoo bandhigayo Natiijadii ka dhalatay Isla xisaabtankii uu sameeyey horaantii sannadkan.

madaxwaynaha ayaa hadalkaasi ku carbaabinayay isku shaandhayn todobaadkan gudihiisa la sugayo inay ka soo baxdo xafiiska madaxwaynaha.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qorsheynaya inuu isku shaandheyn ku sameeyo wasiirada shaqadoodu gaabiska tahay ee aan wax horumar ah gaarsiin wasaaradaha ay garwadeenka ka yihiin kadib islaxisaabtankii horaantii sanadkan.

dad badan ayaa ka dhawr sugaaya sidii uu madaxwayne cabdiwali maxamed cali gaas uga dhabayn lahaa qorshahaas oo uu horay u ballan qaaday inuu la xisaabtan dhab ah ku samayn doono golahiisa xukuumada.

dhinaca kale wasiiro badan oo aan natiijo fiican soo bandhigin islaxisaabtankii golaha xukuumada ee horaantii sanadkan ayaa wada isku dayo sidii ay u xajisan lahaayeen booskooda

Shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain