DHAGEYSO: Wasaaradda Haweenka Puntland oo ka hadashay Dilkii Gudoomiyaha Haweenka Gobalka Mudug

DHAGEYSO: Wasaaradda Haweenka Puntland oo ka hadashay Dilkii Gudoomiyaha Haweenka Gobalka Mudug



Wasiirka Haweenka & Horumainta Qoyska ee Puntland Aniso Xaaji muumin ayaa sheegtay in ay ka xun yihiin dilkii xalay loo geystay gudoomiyaha Haweenka gobalka Mudug Dhudi Yuusuf oo ay fulisey dabley hubeysan oo aan ilaa hadda la aqoonsan.

Wasiir Aniso Xaaji muumin ayaa sheegtay in looga baahan yahay laamaha amnigu in ay cadaaladda horkeenaan kooxihii ka dambeeyey dilkaas, kuwaas oo doonaya in aysan bulshadu wax horumar ah gaarin.

wasiir Anisa xaaji muumin ayaa waxay Tacsi u dirtay Haweenka Puntland oo dhan, siiba gobalka Mudug waxa ayna sheegtay in looga baahan yahay in ay midnimadooda adkeeyaan, lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka amaan darro ee noocaan oo kale ah.

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA WASIIRKA HAWEENKA PUNTLAND

Developed by Jago Desain