Posts

Hellery Clinton oo Si Rasmi ah u Noqotey Musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga Ee Doorashada madaxwaynaha Dalka Mareykanka



Musharrixii ugu cad-caddaa ee la tartamayey Hellery Clinton ayaa si rasmiya u sheegay in lagaga adkaadey tartankii musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton ayaa si rasmiya loo shaaciyey inay ku guuleystey inay noqoto musharaxa xisbiga dimuquraadiga.

Mrs Clinton ayaa hadda noqoneysa musharaxa doorashada November uga qeybgalaya dimuquraadiga.

Tirada ayey ka heshay tiro ay haysay wakaaladda AP, waxaana u wehliyay taageero ay ka heshay ergada gaarka ah.

Ergadaasi waxa ay yihiin kuwa madaxbannaan oo taageero siiyo musharrixii ay doonaan.

Kullan olole oo Mrs Clinton ay ku qabatay magaalo ladhoho Long Beach waxay ka sheegtay guul inay guul fiican ka gaadhey musharrixii la tartameyey ee Barnie Sanders.

Bernie Sanders waxa uu sheegay in xilligan ay qalad tahay in tirada codbixiyayaasha lagu daro ergada gaarka ah.

Developed by Jago Desain