ISKU-DUWIHII WASAARADA QORSHAYNTA PUNTLAND EE GOBALKA MUDUG OO GALKACAYO LAGU DILAY

ISKU-DUWIHII WASAARADA QORSHAYNTA PUNTLAND EE GOBALKA MUDUG OO GALKACAYO LAGU DILAY
Rag hubaysan oo aan haybtooda illaa iminka la sheegin ayaa xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacayo ku diley Allaha u naxariistee Cabdillaahi Maxamed Faarax oo ahaa isu-duwihii Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ee Gobalka Mudug.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan, wuxuuse daba joogaa dilal qorshaysan oo maalmihii danbaba ka dhacaayey Magaalada Gaalkacayo, kaas oo ay u danbaysay Gudoomiyihii haweenka Gobalka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan.

Ciidamada Amaanka Magaalada Gaalkacayo ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxayna halkaas ka wadaan baaritaano xoogan oo ay ku goobayaan kooxdii dilkan soo maleegtay.
shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain