Posts

Jamie Vardy Oo Maanta Tijaabada Caafimaadka U Maraya Arsenal Balse Goorma Ayuu Kusoo Biiri Doonaa Gunners?



Inta badan wargeysyada England ayaa sheegaya inuu Jamie Vardy maanta tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Arsenal. Arsenal ayaa miiska saartay qiimaha 20ka milyan oo ginni ah ee lagu burburin karo qandaraaska gooldhaliyaha kooxda Leicester City Vardy, iyadoo dooneysa inay ku xoojiso tayadeeda weerarka.

29 sanno jirkaan ayaana maanta oo Axad ah tijaabada caafimaadka u mari doona Arsenal, wararka ayaana sheegaya inuu si rasmi ah ugu soo biiri doono Gunners marka ay soo dhammaadaan ciyaaraha Euro 2016 oo uu u matalayo xulkiisa England.

Vardy wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray kooxdii Leicester ee sida lama filaanka ah ku hanatay horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkii dhammaaday 2015 illaa 2016 isagoo dhaliyey 24 gool oo horyaalka ah.
Developed by Jago Desain