Kulan lagu dhiirigalinayo dhalinyarada iyo Haweenka sidii ay uga Qayb-geli lahaayeen Siyaasadda Soomaaliya oo Garowe lagu qabtay

Kulan lagu dhiirigalinayo dhalinyarada iyo Haweenka sidii ay uga Qayb-geli lahaayeen Siyaasadda Soomaaliya oo Garowe lagu qabtay

waxaa hoolka shirarka Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe, lagu qabtay kulan lagu dhiirigalinayo dhalinyarada iyo Haweenka sidii ay uga Qayb-geli lahaayeen Siyaasadda Soomaaliya Kulankan oo ay soo Abaabuleen dhaqdhaqaaqa u Dooda Haweenka doonaya inay ka qayb-galaan Siyaasadda dalka ee Tala-wadaag, ayaa waxaa kasoo qayb-galay wasiirka haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland, Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, xubno ka socday hay'adda UNDP iyo Marti-sharaf kale.

Intii uu kulankan socday waxaa lagu gor-feeyay muhiimadda ay leedahay in Haweenka iyo Dhalinyaradu ay ka dhax-muuqdaan Siyaasadda uu dalku wajahayo.

Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland, Aniso Xaaji Muumin, ayaa ku dhiirri-gelisay Haweenka Soomaaliyeed inay muujiyaan dhabar-adeyg si loo gaaro hamiga fog ee ay higsanayaan.

Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Talo-waadag, Dr. Idil Maxamuud Jaamac ayaa dhinaceeda sheegtay inay Qaadeen Dhaqdhaqaaqyo iyo talaabooyin ay ku doonayaan in lagu ururiyo Aragtida dhallin-yarada iyo Haweenka Soomaaliyeed oo ay muujisay in Guulo laga gaaray.

Sidoo kale, Dr. Idil waxay xustay in dadaal ay ugu jiraan in Haweenku ay helaan qoondada ay ku leeyihiin xildhibaanada lasoo xulayo inta aan la gaarin Bisha August ee Sannadkan.

Ugu dambeyn, Ranjana Thapa oo ah u qaabilsanaha Arrimaha Xuquuqul Insaanka Xafiiska UNSOM ee Puntland , ayaa u sheegtay in ka qayb-galka Siyaasadda Haweenka ay Qayb ka tahay in dalka Horumar Wanaagsan uu gaaro.
Developed by Jago Desain