Mas’uuliyiinta dalka Niger oo sheegay iney heleen meydadka 34 tahriibayaal ah

Mas’uuliyiinta dalka Niger oo sheegay iney heleen meydadka 34 tahriibayaal ah

Masu’uliyiinta Dalka Niger ayaa sheegay inay ka heleen meel u dhaw Sahara Xuduuda Wadanka Aljeeriya Meydadka 34 muhaajiriin ah oo ay Haween iyo caruuri ku jiraan.

Bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha Niger Bazom Mahamed ayuu ku sheegay in Tahribayashaasi Meydadkooda la helay ay u dhinteen Haraad, kadib markii uu ka cararay ninkii mukhliska ahaa ee waday.

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in Dadka dhintaya 9 ka mid ah ay ahaayeen Haween iyo Caruur, xiliga dhimashada Dadkaasina ay u dhaxeysay 6-12kii bishan aynu ku jirno ee Jun, iyadoo laba ka mid ahna ay ka soo jeedeen dalka Niger, wuxuuna wasiirku ka cudur daartay inuu tafaasiil ka bixiyo aqoonsiga jinsiyadaha ay ka kala soo jeedeen Tahriibayaasha dhintay.

Dhanka kale Ururka dowliga ah ee muhaajiriinta (IOM)ayaa sheegay in 120kun Tahriibayaal ay sanadkii la soo dhaafay mareen lama degaankaasi ku yaal waqooyinka Dalka Niger.

Dalka Niger ayaa waxa u ku yaala goob istaraatiiji u ah Tahriibayaasha wuxuu isku xiraa Qaarada Afrika iyo Yurub.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Developed by Jago Desain