Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo xabsi Boosaso lootaxaabay kadib markii

Sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo xabsi Boosaso lootaxaabay kadib markii


Taliye ku-xigeenkii qeybta Booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland Col. Cabdicasiis Cismaan Togox ayaa loo taxaabay xabsiga magaalada Boosaaso.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa taliyaha ka qabtay hoygiisa oo ku yaala magaalada Boosaaso, iyagoo ka dibna gudaha dhigay.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyey xariga sarkaalkan ka dib markii uu ku dhaqaaqay amar diido, uuna ka hor yimid xilka qaadis lagu sameeyey.

Col. Cabdicasiis Cismaan Togox ayaa markii xilka laga qaaday tegay saldhiga Booliska Boosaaso, isagoo sheegaya inuu weli yahay taliye ku-xigeenka qeybta booliska Boosaaso, uuna qoraal arintaas la xiriira ka heysto wasiirka amniga Puntland.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain