Sawiro : Roob dabaylo xoogan watay oo khasaaro ka gaystay Degmada Baargaal

Sawiro : Roob dabaylo xoogan watay oo khasaaro ka gaystay Degmada Baargaal
Dabayl xoogan iyo roob maanta wakhtigii duhurkii ku dhufatay magaalada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa khasaare baahsan gaarsiiyay meherado ganacsi iyo guryo aad u badan xaafadaha kala duwan ee magaalada 

Roobka dabaylaha xoogan weheliyeen oo bilaamay markay saacadu ahayd 1:00 duhurnimo ayaa saamayn xoogan ku yeeshay hab nololeedkii dadwaynaha ku dhaqan magaalada Baargaal , iyadoo uu khasaare gaaray baalayaasha korontada , iyo dhir badan oo ay dabayshu goysay , halka sidoo kale waxyeelo xoogan ay gaareen guryo iyo meherado ganacsi oo qaarkood dumeen halka qaar kalena ay dabayshii ka qaaday saqafka sare ama jingadda 

ilaa iyo hada nama soo gaarin wax khasaaro nafeed ah oo ay geeysteen dabayluhu 

wixii war ah oo soo kordha isha kuhay 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada  Calbari
Email:Baargaal@gmail.com




Developed by Jago Desain