Posts

Sawiro : Xildhibaano Kasoo Horjeeday Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Dilay Weerarka Hotel Ambassador

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya weerarka lagu qaaday Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen, dhaawucuna uu kor u dhaafayo illaa 40.

Dadka dhintay ayaa waxaa illaa iyo hadda laga aqoonsaday Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamud Maxamed Guure ayaa labaduba waxay ka mid noqdeen Dadka Caawa lagu dilay Weerarka Al-shabaab ku qaaday Hotelka Ambasador.

Labada xildhibaan ee weerarkan ku dhintay ayaa ahaa laba xildhibaan oo miisaam culus leh, isla markaa si weyn uga dhex muuqday Baarlamaanka Soomaliya, waxayna arrintan murugo weyn ku tahay dadka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka baxeen.

khasaaraha Weerarka ayaa sii kordhaya, waxana laga yaabaa inay jiraan Masuuliyiin kale oo lagu dilay weerarka, Maadaama aan wali la hayn xog dhamaystiran












Developed by Jago Desain