Taiwan oo Raadaar ku rakibeysa Xeebaha Soomaaliya

Dowladda Taiwan ayaa waxay heshiis iibsi Radaar ilaaliya ammaanka xeebaha Soomaaliya la gashay shirkad Mareykan ah oo ku takhasustay ilaalinta Xeebaha iyo Maraakiibta maraysa biyaha intaba.

Shabakada Raadaarka ah waxay leedahay shan qeybood oo isgaarsiin ah iyo Saldhigyo laga sameynayo xeebaha dekedaha shan magaalo oo ka tirsan Soomaaliya oo kala ah Muqdisho, Berbera, Kismaayo, Boosaaso iyo Hobyo waxayna shabakadan ka saacideysaa dekedahaasi amniga Maraakiibta iyo maamulka howlaha dekedehaasi.

Sidoo kale qorshan ayaa ah mid lagu saacidayo howlgalka midowga Yurub ee afduubka ka ilaaliyaha Maraakiibta xamuulka qaada ee maraya biyaha Xeebaha badaha Soomaaliya.

Heshiiskaasi oo ay wada saxiixeen shirkad midowga Yurub hoos tagta iyo wakiil ka socoday dowlada Taiwan waxaa ku baxayaa lacag dhan 166 Milyan oo doollar,taasi oo ujeedkoodu yahay in lagu horumariyo isgaarsiinta badaha Soomaaliya si ay Maraakiibta ugu sahasho inay nabad gelyo ku maraan iyo si si deg deg ah loola xiriiro hadii shil ama dhibaato kale ay qabsato Maraakiibta xamuulka sida ee caalamiga ah.

Dhanka kale Wakiilka Shirkada ” OBP، ayaa sheegay inay shirkadiisu aad ugu faraxsan tahay qorshana shabakada Raadeerka ah oo lagu hagaajiyo xaalada amni ee xeebaha ku teedsan Badaha Soomaaliya si looga hortago ayuu yiri” khatarka ku imaan karta Maraakiibta dowliga ah iyo kuwa goboleedka intaba.

Raadarkan ay dowlada Taiwan ku tala jirto inay ka sameyso xeebaha Soomaaliya wuxuu kaloo ka saacidayaa Ciidanka Badda Soomaaliya sidii ay macluumaad badan u heli lahayeen isla markana u gudan lahayeen shaqada ee loo idmay.

Wakiilka dowlada Taiwan ee Midowga Yurub u fadhiya ayaa sheegay inay dowladiisu ay ballan qaadayso dowr weyna ka qaadanayso arrimaha ammaanka iyo tageerada bani’aadanimo iyo gacan siinta ciidamada wadamada kala duwan ka socoda oo ka qeyb qaadanaya amaanka Xeebaha Soomaaliya si loo sugo habsamida howlaha maritaanka badaha Soomaaliya” ayuu yiri.”

Dhanka kaloo iyadoo qorshan ay wado dowlada Tiwan ayaa waxaa hore midowga Yurub tababar u siyaan 100 sarkaal iyo askarba oo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya.


Shabakada Baargaal.Net
isha wararka Horumarka Deeganada Calbari
Developed by Jago Desain