Tartamayaasha degmada Boosaaso oo caawa soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa wareegiiisa saddexaad tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Garbahaareey Vs Boosaaso oo ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo Bari, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.
Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka Garbahaareey iyo Boosaaso waxey noqotay sidan:-
Garbahaareey
Tartamayaasha Degmada Garbahaareey sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Garbahaareey, wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Garbahaareey ay heleen noqoneysaa 6 dhibcood (Lix dhibcood).
Boosaaso
Tartamayaasha Degmada Boosaaso waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, mana jirin wax ka faa,iideysi ah, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Boosaso ka dhigeysaa inay heleen 6 dhibcood (Lix dhibcood).
Tartamayaasha labada degmo ayaa su’aalihii loogu talagalay ee la weydiiyay waxa ay heleen isku dhibco, waxaana uu gudigga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ku daray waqti dheeri ah, si loo kala saaro cidda afar dhamaadka tartanka u soo gudbeysa.
Tartamayaasha degmada Garbahaaheereey ayaa afar su’aal oo la weydiiyay waxa ay saxeen labo su’aal iyo hal su’aal oo ay ka faa’iideysteen, sidaadana waxa ay ku heleen 12 dhibcood, si taa la mid ah tartamayasha degmada Boosaaso afartii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal iyo labo kale oo ay ka faa’iideysteen, sidana waxa ay la yimaadaan dhibco gaaraya 14 wadarta guud, waxaana ay  u soo gudbeen wareegga xiga ee tartaka.
Habeen dambe oo waxaa wada tartami doona Degmooyinka Kaxda iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciddii soo baxda ay la tartami doonan degmada Boosaaso oo caawa xaqiijisay wareegga afar dhamaadka ee tartanka, waxaana tartankooda uu bilaabanayaa 7:30 pm fiidnimo xilliga Muqdisho.
Developed by Jago Desain