DEG DEG: Ciidan Ka cabanaaya mushahar la-aan Oo Xoog Kula Wareegay Xarunta dawlada hoose ee Galkacyo






Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee dawlada puntland ayaa waxay sheegayaan in ciidan gadoodsan ay si xoog ah ku qabsadeen xarunta dowladda hoose ee magaaladaasi.

Ciidankaan ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan haysay ku dhawaad muddo Sanad ah, waxaana ay kala eryeen dhammaan dadkii ku sugnaa halkaasi maadaama cabashadooda wax laga qaban waayey.

Saraakiil u hadashay ciidankaan ayaa sheegay in marnaba aanay xaruntaasi ka bixi doonin tan iyo inta laga siiyo mushaarkooda iyo xaqooda ka maqan intaba.

dawlada puntland ayaa la ogayn waxay arrinkan kasoo saari doonaan

horay ayaa waxaa deegaanada puntland uga dhacay falal noocan oo kale ah oo askar ka cabanaya mushahar la.aan ay qabsadaan xarumaha dawlada si mushaharkoodii loo siiyo
Developed by Jago Desain