Al- Shabaab oo toogtay Shaqsiyaad kamid ahaa




Xarakada Al-Shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ku toogatay saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib ka soojeeda dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa saddexdan ruux ku eedeysay inay ahaayeen jawaasiis ama basaasiin, kuwaasoola shaqeynayay Sirdoonada reer Galbeedka.

Labada nin ee Kenyanka ayaa ka soo kala jeeda magaalooyinka Eldoret iyo Mombasa, waxaana la xiray muddo dhowr bilood ka hor, kadib markii lagu helay inay u basaasayeen reer galbeedka.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in raggan ay qirteen dambigooda, isla markaana ay ku cadaatay inay la shaqeynayeen Sirdoonada reer galbeedka.

Maalinimadii shalayayay aheyd markii deegaan hoos-taga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay toogasho iyo gowrac lagula fuliyay afar ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay Sirdoonada Mareykanka iyo Kenya.

Mid ka mid ah raggaas ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay shirqoolkii lagu dilay Hogaamiyihii hore Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo bishii September ee sanadkii 2014 lagu dilay duqeyn uuMareykanka fuliyay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain