Posts

Askar ka tirsan booliska Marekanka oo lugu dilay magaalada Dallas




Ugu yaraan shan askari oo boolis ah ayaa lagu toogtay dibadbax loogaga soo horjeedo dhibaatada booliskaoo ka dhacay magaalada Dallas, ee gobolka Texas ee waddanka Mareykanka.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka toogashada ah ee maalmihii la soo dhaafay ay magaalooyinka Minnesota iyo Louisiana ay boolisku ku dileen laba nin oomadow ah ayaa waxaa lagu qabtay dhowr magaalo oo Mareykanka ku yaal oo ay ka mid tahay,Dallas.

Waaxda booliska Dallas ayaa barta ay ku leeyihiin Twitter ku sheegay inay u tahay habeen xun,iyagoo marka sheegay inay ka murugeysanyihiin dhimashada shanta askari ee booliska ka tirsan.Booliska dhintay saddex ka mid ah,waxaa la rumeysan-yahay in lugu dilay toogasho,sida ay booliska sheegen.

Warbaahinta Dallas ayaa baahisay in la maqlayay rasaas badan,halka boolisku ay ku daba jiraan dad laga shakisan yahay.

Madaxweynaha Marekanka Barack Obama ayaa sheegay in toogashada aan loo meeldayin ay walwal ku keeni karto dhammaan dadka Mareykanka

Waxa uu sheegay in uu eex kajiro hannaanka garsoorka ciqaabta taasi oo ay tahay buu yiri in xididada loo siibaa.

Booliska cadaanka ah ee Marekanka ayaa lugu eedeya si bareer ah inay u beegsadaan dadka madowga ah,taaso marar badan dhalisay dibadbaxayaal iyo isku dhacyo ay isaga hor imaanayaan booliska iyo dadka madow.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain