DAAWO : Degmada Bareeda ee Gobolka #Gardafuu Oo Mashaariic Horumarineed Laga Hirgeliyey

DAAWO : Degmada Bareeda ee Gobolka #Gardafuu Oo Mashaariic Horumarineed Laga Hirgeliyey.
waxaa maanta Magaalada Bareeda ee gobolka Gardafuu lagu qabtay xaflad balaaran oo si rasmi ah xariga looga jaraayay warshada bareeda group of companies oo adeegyo badan oo horumarineed deegaanka ku soo kordhisay sida biyaha sifaysan , kaydinta iyo qaboojinta kaluunka iyo barafka iyo adeega korontada.

Munaasibada Furitaanka Warshada Bareeda group of industries ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday wasaarada kaluumaysiga iyo wasaarada ganacsiga iyo warshadaha puntland , gudoomiyaha Degmada Bareeda iyo Nabadoono , Cuqaal , Ganacsato , aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo lagu casumay munaasibada furintaanka

Gudoomiyaha Degmada Bareeda oo si rasmi ah xariga uga jaray warshada Bareeda oo ugu horayn ka hadlay xaflada ayaa aad u soo dhaweeyay warshadan ka kooban warshado badan asagoo aad u amaanay ganacsade Cabdicasiis Xuseen Xaaji Cali horumarkan uu isku taxalujiyay inuu deegaanka ka hirgaliyo.

ganacsade Cabdicasiis Xuseen Xaaji Cali oo ah mulkiilaha iyo maamulaha warshadaha Bareeda group of industries oo ka hadlay madasha ayaa ka waramay baahiyaha ku kalifay in deegaanka aadka u fog uu ka hirgaliyo warshadahan kala duwan asagoo ugu baaqay ganacsatada kale ee deegaanka inay yimaadaan oo deegaanka ganacsiyo ka hirgaliyaan fursadahana ka jirana ka faaiidaystaan asagoo sheegay inay waxbadan oo dhiman damacsanyihiin inay hirgaliyaan

masuuliyiinta wasaarada ganacsiga iyo warshadaha iyo kalluumaysiga oo ka soo qaybgalay xaflada ayaa ayaguna dhinacooda soo dhaweeyay furitaanka warshadahan ayagoo sheegay inay ganacsadaha warshadahan deegaanka keenay inay ka dawlada ahaan ay taageeri doonaan oo wixii dhinacooda ah ay u fududayn doonaan lana shaqayn doonaan

Cuqaal iyo salaadiin iyo nabadoono ka hadlay madasha ayaa dhamaan isku raacay ahamiyada ay warshadahani u leeyihiin dadka iyo duunyada ku dhaqan degmada bareeda iyo guud ahaan deegaanada gobolka gardafuu ayagoo aad ugu bogaadiyay ganacsade Cabdicasiis Xuseen Xaaji Cali talaabadan uu qaaday ayagoo ku booriyay ganacsatada kale inay ku daydaan oo tusaale ka dhigtaan

ugu danbayntii masuuliyiintii ka soo qaybgashay xaflada ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay ilaashadaan horumarkan iyo warshadahan loo keenay oo sida ugu fiican uga faaiidaystaan

warshadahan bareeda group of companies ayaa ka kooban warshado badan oo bixina adeegyo badan oo muhiim u ah dhanka nolosha oo ay ka mid tahay korontada, Barafka kaydinta kaluunka , qaboojinta iyo biyaha sifaysan , taasi oo wax badan ka badali doonta nolosha bulshada deegaankaasi ku dhaqan.

SHABAKADA BAARGAAL.NET 

isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaall@gmail.com

Halkan Ka daawo


 
Developed by Jago Desain