Dowladda Puntland oo ka Dhawaajisay Iney Tallaaleyso Saddex Milyan oo Xoolo ah

Dowladda Puntland oo ka Dhawaajisay Iney Tallaaleyso Saddex Milyan oo Xoolo ah
Wasaaradda Xannaanada Dowladda Puntland ayaa maanta ka dhawaajisay in ay qaadi doonto Olole ballaaran oo lagu Tallaali doono Saddex milyan oo Xoolo ah.

Barnaamijkan Tallaalka ayaa waxaa iska kaashan doona Hay’adda FOA iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Puntland ,waxaana qorshuhu yahay in Xoolaha laga daaweeyo Xanuunada ku dhaca.

Keyse Axmed Cali Shire oo ah Agaasimaha Guud ee W/Xannaanada Xoolaha Puntland ayaa sheegay in Ujeedada laga leeyahay Ololahan ay tahay in la helo xoolo caafimaad ahaan bad-qab.

Wasiirka Xannaanada Dowlada Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay iney Wasaaradiisu ku dadaasho tayada xoolaha iyo badbaadintooda isla markaana Xooluhu yihiin laf-dhabarka dhaqaalaha Soomaaliya.

Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa sheegay in Xoolaha Soomaalidu yihiin ganacsiga ugu muhiimsan ee ay Soomaalidu dibeda u dhoofiso isla markaana ay dad badan ku tiirsan yihiin dhaqashadooda.

Madaxweynaha Kuxigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar(Camey) ayaa isna sheegay in dowladiisu kor u qaadeyso tayada xoolaha nool.

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain