Kal-Fadhiga 5-aad ee golaha deegaanka degmada Baargaal oo Maanta furmay

Kal-Fadhiga 5-aad ee golaha deegaanka degmada Baargaal oo Maanta furmay
Kalfadhigan oo ah kii 5aad oo ay yeeshaan golaha deegaanka degmada Baargaal oo sanadkiiba 2 jeer la qabto ayaa maanta waxa uu ka furmay hoowlka shirarka dowlada hoose ee Degmada Baargaal. 

Kalfadhigan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka gardafuu, kan degmada Baargaal, Xildhibaanada Golaha Deegaanka , odayaal dhaqameed, haween iyo dhalin yaro ayaa waxaa si toos ah u furay Gudoomiyaha Golaha Degmada Baargaal Ahna Duqa Degmada Abuukar Axmed yuuusf 

Kalfadhigan oo ay soo Xaadireen 18 Xubnood oo Golaha Degaanka ka tirsan ayaa maamulka Degmadu waxay ku soo bandhigeen waxyaabihii lixdii bilood ee sanadkaan u qabsoomay

Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Gobolka Gardauu Mudane C/qaadir caato oo Kamid ahaa Masuuliyiintii kasoo qayb gashay Furitaanka kalfadhiga ayaa ku amaaney shaqooyinkii ay qabteen maamulka degmada Baargaal, asagoo tilmaamay in looga fadhiyo inay sii siyaadiyaan Shaqada ay bulshadooda u hayaan.

Xoghaya Degmada Baargaal Siciid Cawil Dhuxul oo hadalka qabsaday intaasi kadib ayaa kawarbixiyay lixdii bilood ee la soo dhaafay waxyabihii laga qabtay Degmada, asagoo sheegay in ay wax badan ka qabteen dhinacyo badan sida dhinaca amniga , waxbarashada caafimaadka , biyaha , hagaajinta wadooyinka dhiilirigelinta dhalinyarada ee dhinaca sportska iyo wacyigelinta bulshada iyo inay dhiseen guddiga horumarinta Degmada oo wax badan qabtay intii la dhisay.

Intaasi kadib waxaa warbixino ku saabsan waxqabdkooda laga dhagaystay guddiyada kala duwan ee golaha sida Guddiga Arimaha Bulshada iyo Guddiga ilaalinta Deegaanka .

Kalfadhigan Maanta la furay ayaa socon doona Mudo 16 cisho ah sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Baargaal waxayna goluhu tiigsanayaan inay qabtaan howlo badan oo uu deegaanku u baahan yahay















Developed by Jago Desain