SAWIRO + MUUQAAL :DUGSIGA BARASHADA CUNTADA EE KHADRA COOKING CENTER EE DEGAMADA BAARGAAL OO AY KA QALIN JABISAY DIFAACADII 1 AAD

SAWIRO + MUUQAAL : DUGSIGA BARASHADA CUNTADA EE KHADRA COOKING CENTER EE DEGAMADA BAARGAAL OO AY KA QALIN JABISAY DIFAACADII 1 AAD +SAWIRRO

Munasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa Dugsiga barashada karinta cuntada ee Khadra Cooking Center ku qabtay Xarunta Dugsiga Daar Aw Cumar ee Degmada Baargaal taas oo ay kaga qalin jabinayeen Araday baratay cunto karinta.
Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin Badan oo ka socday maamulka Degmada oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuuusf , iyo Musuuliyiin kale, Oo Ay Kamid ahaayeen ,culumaaudiin , Cuqaal, Haween iyo marti sharaf kale oo lagu casumay munaasibada 


Gudoomiyaha Degmada baargaal oo halkaasi ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyay barnaamajka barashada cunta karinta wuxuuna ku tilmaamay horumar ku soo kordhay bulshada asagoo ugu baaqay haweenka iyo hooyooyinka deegaanka inay ku dadaalaan barashada cuntada si ay u sameysataan cunto nafaqo leh oo isu dheeli tiran


sidoo kale maamulaha Xarunta khadro Cooking Center ee Degmada Baargaal Marwo Khadro xaaji siciid cismaan oo khudbad dheer o isugu jirta sharaxaad cuntooyinka iyo wacyigalin ku saabsan cunta karinta ka jeedisay madasha ayaa sheegtay inay muhiim tahay barashada cunta karinta si loo helo bay tiri cunto nafaqo leh, oo isla markaana macaan ayadoo sheegtay inay Dadaal ugu jirto sidey u soo saari laheyd dumar Kale oo bartay Cunta Karinta Wanaagsan


dhinaca kale nasteexo siciid saalax oo ku hadlaysay afka ardaydii halkaa wax ka baratay ayaa u mahad celisay macalimadooda iyadoo sheegtay in ay qaateen waxbarasho anficidoonta.

Ugu danbaytii waxaa halkaasi lagu soo bandhigay cuntadii ugu danbaysay ee ardaydu kariyaan ee ay kaga qalinjabinayeen dugsiga waxaa goobtaasi kaga tijaabiyey marti sharaftii iyo masuuliyiintii lagu casumay munaasibada ayagoo aad ula riyaaqay macaanka iyo qaabka loo sameeyay cuntooyinkaas


















waxaana intaasi kadib a Gudoomiyaha Degmada Baargaal uu Ardaydii ka qalanjabisay barashada cunna karintaoo dhamaa 9 arday guddoonsiiyay shahaadooyinka qalijabinta




SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain