Sawiro :Wasiirada Haweenka Puntland oo Baargaal soo gaartay

Sawiro :Wasiirada Haweenka Puntland oo Baargaal soo gaartay


wasiirka haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Anisa C/qaadir xaaji muumin iyo wafdi ay hogaaminayso oo ay kamid ahaayeen wasiirkii hore ee fedraalka iyo arimaha gudaha dawlada Soomaaliya C/raxmaan maxamed Bangax iyo aqoonyahan macalin jaamac ayaa galabta casar gaabadkii soo gaaray Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga wasiir anisa oo booqoshadii labaad ku maraysa Deegaanada Gobolka Gardafuu ayaa waxaa halkaaas si wayn ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf, masuuliyiin ka socotay gobolka Gardafuu , haween isugu jira hooyooyin iyo dhalinyaro iyo caruur badan oo uga hortagay wasiirada iyo wafdigeeda meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaya Caleemo qoyan

wafdiga ay hogaaminayso wasiir Anisa oo ka soo kicitimay Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa soo dhawayn iyo marxabayn la qaatay haweenkii iyo caruurtii halkaasi ku soo dhaweeyay iyadoo wasiiradu mid mid u gacan qaaday dhamaan dadkii safka u galay soo dhawaynta wafdiga wasiirada.

wasiir anisa iyo wafdigeeda ayaa intay magaalada Baargaal soo gaarin waxay soo mareen magaalada Taageer halkaasi oo ay wafdigu shirar iyo iswaraysi kula yeesheen hooyooyionka iyo ururdada deegaanka oo ay wasaarada haweenku u kuurgalaysay.

intaasi kadib waxay wasiir anisa iyo wafdigeedu shir ku qabteen magaalada waadi khayr halkaasi oo ay wasiiradu ugu khadbaysay bulshadii halkaasi ku soo dhawaysay ayadoo kala hadashay ujeedooyinka safarkooda

wasiirada haweenka iyo horumarinta qoyska puntland iyo wafdigeeda oo kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada baargaal ayaa intaas kadib u gudbi doona magaalada Madaxda Gobolka Gardafuu ee Caluula halkaas oo ay wasiiradu uga qaybgli doonto manaasabad ballaaran oo lagu oo lagu xusaayo sanad Guurada 18-aad ee ka soo wareegatay markii dadka Puntland ay isku tashteen una istaageen sidii maamul u dhisan lahaayeen miraheediina ay guranayaan Maanta.

Developed by Jago Desain