Ciidamada Puntland oo Garowe ku qabtay Gaadiid dagaal oo maamulka Galmudug uga soo degay Boosaaso

Ciidamada Puntland oo Garowe ku qabtay Gaadiid dagaal oo maamulka Galmudug uga soo degay Boosaaso



Ciidamda dawlada Puntland ayaa gacanta ku dhigay illaa ,5 Gaadiid ah oo ka soo dagay Dekedda wayn ee Magaalada Boosaaso kuna sii jeeday deegaanada Maamulka Galmudug.

Gaadiidkaan la qabtay ayaa la sheegay in ay kala yihiin ,4 Gaari oo nuuca Soomalidu u taqaan Cabdi Bilaha ah, oo cusub oo leh Astaanta ciidamada Booliska Soomaaliyeed lagu yaqaano, waxaana looga soo buufiyey magaalada Muqdisho, iyo Gaari nooca Gaashaaman ee loo yaqaan Bulla Buruuf ee aan xabadu karin.

Markabkii laga lahaa dalka Turkiga ee soo gaaray magaalada Boosaaso, kaas oo wadey Mucaawino u socotay Shacabka Puntland iyo gobalada dhexe ayaa looga soo raray magaalada Muqdisho gaadiidkan oo uu ka dajiyey dekeda weyn ee magaalada Boosaaso.

Waxaana Gawaaridaasi ay Puntland qabatay xilli ay markaasi ay marayeen Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland una sii gudbi rabeen dhinaca Galmudug.

Lama oga sababta ka dambeysa in Puntland ay Gaadiidkaasi gacanta kudhigto iyadoo sheegeysa in ay ku sii jeedeen deegaanada Galmudug Balse tallaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Dawlada Puntland ay mamnuucday Gaadiidka deegaanadeeda uga yimaada Koofurta Gaalkacyo

Walow Gaadiidka ay haatan qabteen ay yihiin kuwa cusub oo Dekedda Boosaaso laga soo dajiyay Ma jiro dhinaca Galmudug wax war ah oo arrintaan ay ka soo saareen haddii ay jiraan Gaadiid ay leeyihiin oo uga soo dagay Dekedda Boosaaso laguna qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta Dawlad goboleedka puntland.

Developed by Jago Desain