C/raxmaan Maxamed Bangax Musharax u taagan Xildhibaanimada Barlamaanka Soomaaliya 2016

C/raxmaan Maxamed Bangax Musharax u taagan Xildhibaanimada Barlamaanka Soomaaliya 2016



Iyadoo xusul duub weyn loogu jiro helitaanka kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sanadkan 2016 ayaa Mudane. C/raxmaan maxamed saalax (Bangax) oo ka mid ah masuuliyiinta doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee bedelaya kan hadda shaqeeya waxaa uu dhawaan soo gabagabeeyay safar dheer oo uu ku soo maray dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka gardafuu oo uu masuulkan isu soo taagay in uu u matalo xildhibaanada barlamaanka fedraalka soomaaliya asagoo caasimada gobolka Gardafuu ee Caluula si rasmi ah uga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilkaas

Musharax C/raxmaan maxamed Bangax oo intuu safarka ku maraayay deegaanada gobolka gardafuu shirar kala duwan la qaatay Nabadoonada, Salaadiinta , Culimaudiinka, ururada Haweenka iyo Dhalinyarada ee Gobolka gardafuu ayaa yiri:

Haddii aad ii Xulataan inaan wakiil idinkaga noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan laba laabi doonaa waxqabadkaygii hore, waxaana aan idiin ballan qaadaya inaan wax badan ka qaban doono baahiyiinna kala duwan ee aasaaska u ah nolosha dadka iyo deegaanka"

musharxa oo hadakiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanada Gobolka Gardafuu ay yihiin dhul taariikh fog oo eebbe ku maneystay kheyraad kala duwan, waxa uu xusay in hadii uu booskaaasi ku guuleysto uu xoogga saari doono sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada kana shaqayn doono sidii wax badan looga bedeli lahaa Siyaasada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Amaanka, Dhaqaalaha, iyo adeegyada kale ee Bulshadda assgoo cadeeyay inuu yahay xildhibaan matalya Gobolka Gardafuu, Puntland iyo soomaaliya.

dhinaca kale odayaashii iyo waxgardkii ka soo qayb galay kulamadii musharaxa ayaa sheegay inay taageersanahiin Musharaxnimada mudane C/raxmaan maxamed bangax inuu u matalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dhammaadka Sannadkan ayagoo sheegay inay aqbaleen codsigiisa

odayaasha iyo waxgaradkii ka hadlay kulamada musharaxa ayaa sheegay in uu mudane C/raxmaan maxamed Bangax yahay nin booskaasi kasoo bixi kara islamarkaana wax badan kusoo kordhinaya dadka iyo deegaanka iyadoo qaar badan oo waxgaradkaa kamid ah ay sheegeen haddii ay ka mid noqdaan Ergada 51-da ee wax Dooraneysa Codkooda ay siin doonaan mudane Bangax

Siyaasi C/ramaan Maxamed Bangax waa masuul xilal ka duwan kasoo qabtay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Dawlad goboleedka Puntland asagoo soo noqday wasiirkii warfaafinta DGPL xilligii cadde muuse madaxwaynaha ka ahaa PL asagoo sidoo kale soo noqday wasiir ku xigeenkii arimaha Gudaha iyo fedraalka dawlada soomaaliya xiligii Raiisulwasare C/wali sheekh waaana aqoonyahan heerkiisa waxbarasho uu aad u sareeyo , waayo arag siyaasadeed ah in badan ku soo jiray siyaasada soomaaliya saaxibo badana ku dhex leh islamarkaana siweyn looga yaqaan deegaanada Puntland iyo gayiga soomaaliyeed




SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
 
Developed by Jago Desain