DHAGEYSO: Dawlad Goboleedka Puntland oo soo saartay amaro ku aadan dhinaca amniga

DHAGEYSO: Dawlad Goboleedka Puntland oo soo saartay amaro ku aadan dhinaca amniga



Duqa magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland Xasan Maxamed Ciise Goodir oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu kawaramay Howlgallo ka socda magaalada, wuxuuna sheegay in Howlgaladaas ay saldhig u yihiin amaro la soo saaray oo loogu talagalay in Hubka sharci darada ah looga saaro magaalada Garoowe.

Wuxuuna sidoo kale sheegay Duqa magaalada Garoowe in Howlgaladaasi ay sii socon doonaan ilaa Hubka sharci darada ah looga saarayo magaalada Garoowe iyo deegaanada Puntland oo dhan.

Howlgaladan ka socda deegaanada dawlad goboleedka Puntland ayaa waxay ka soo bilowdeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana Howlgaladaasi lagu soo qab qabtay dad badan kuwaas oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

halkan ka dhagayso

Developed by Jago Desain