DHAGEYSO:Guddiga Dorashada dalka soomaaliya oo soo saaray

DHAGEYSO:Guddiga Dorashada dalka soomaaliya oo soo saaray



Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle Dhagey oo shir jaraa’idku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaasha hor-yaala guddigooda.Cumar Dhagey ayaa sheegay in Guddigooda uu yahay mdi madax banaan, isla markaana wixii hada ka dambeeya shaqadooda lagu qiimeynayo isla xisaabtan, hufnaan, ficil, fulin iyo dhex dhexaadnimo.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inaysan shaqo ku lahayn qaabka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka laakiin ay ilaalinayaan hufnaanta doorashada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in waqtiga rasmiga ah ee doorashada dhaceyso lagu go’aamin doono shirka ay yeelan doonaan Madasha Wada-tashiga Qaran ee dhowaanka furmi doona Muqdisho.

Waxaa jira walaac ay qabana qaar ka mid ah siyaasiyiinta kuwaasi oo ka walaacsan in doorashada ay dib u dhacayso, iyadoo horay madaxda dowlada ay u sheegeen in doorashada ay xiligeeda dhacayso.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Developed by Jago Desain