SAWIRO: TABABAR GAROWE UGA FURMAY DHAMAAN SHAQAALAHA WASAARADDA DEEGAANKA PUNTLAND

SAWIRO: TABABAR GAROWE UGA FURMAY DHAMAAN SHAQAALAHA WASAARADDA DEEGAANKA PUNTLAND
Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayaa maanta Garowe uga furtay tababar shan cisho u socon doono shaqaalaha Wasaaradda ee degmooyinka iyo Gobolada Puntland , Waxaana kasoo qeybgalay dhamaan shaqaalaha iyo Isku-duwayaasha Wasaaradda u fadhiya Bari, Mudug, Nugaal, Karkaar, Gardafuu,Haylaan,Sanaag,Sool iyo Cayn .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland Muno Cumar Daahir oo furtay tababarkan ayaa faahfaahin ka bixisay muhiimiyadda uu leeyahay , Waxayna sheegtay inuu u horseedi doono isku xirnaan guud oo dhex marta shaqaalaha iyo xarunta dhexe ee wasaaradda .

Waxay intaas ku dartay Agaasime Muno Daahir inta uu socdo tababarku in lagu baranayo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay sida shaqada loogu kala sareeyo ama loogu kala hooseeyo oo ay sheegtay inay usoo kordhinayso wasaaradda warbixino iyo xogo joogto ah oo ay mar walba isdhaafsanayaan Shaqaalaha u jooga Gobolladda,Degmooyinka iyo Madaxda Wasaaradda Deegaanka Puntland.

Dhinaca kale Sabdow Bashiir oo ah sarkaal ka tirsan Hay,adda Care International oo wasaaradda kala shaqeynaya tababarka shaqaalaheeda maanta uga furmay Garowe ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay farqiga u dhaxeeya 3 sano ka hor shaqaalaha wasaaradda iyo Tirada Wasaaradda maanta uga howl-gasha Goboladda iyo Degmooyinka Puntland.

Sabdow Bashiir ayaa sheegey in ilaa 15 shaqaale ah oo kaliya Wasaaradda u fadhiyeen saddex sano ka hor gobolada balse maanta ay gaarayso tirada shaqaalaha wasaaradda uga howl-galaya degmooyinka iyo gobolada kale 40 marka laga reebo shaqaalaha wasaaradda xarunta dhexe ee Garowe.

Isku soo wada duuboo Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayaa mudooyinkan danbe safka hore kaga jirtay kuwa ugu waxqabadka badan hay,addaha dowliga ah ee Puntland , Marka loo eego baaxada shaqada ay u hayso dalka.







Developed by Jago Desain