(Sawirro):- Wasiirada Haweenka Puntland iyo Wafdi ay hogaaminayso oo lagu soo dhaweeyay Degmada Bareeda

(Sawirro):- Wasiirada Haweenka Puntland iyo Wafdi ay hogaaminayso oo lagu soo dhaweeyay Degmada Bareeda


Wasiirada haweenka iyo horumarinta Qoyska puntland Anisa C/qaadir xaaji muumin oo wali wada safaradii ay ku kormeeraysay Degaanada Gobolka Gardafuu ayaa waxaa si farxad iyo rayn rayn ku jirto loogu soo dhaweeyay deegaanka xoogaad oo hoostaga dagmada bareeda ee gobolka gardafuu

wasiirada iyo wafdigeeda oo shalay gaaray Deegaanka Xoogaad ayaa waxaa halkaaas siwayn ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta deegaanka, odaayasha dhaqanka , haweenka deegaanka iyo Dadwayne aad u farabadan oo wasiirada iyo wafdigeeda ku soo dhaweeyay khayraadka deegaanka sida mooska babaayga , maydiga , beyada iyo timirta

odayaasha iyo waxgaradkii ka hadlay munaasabada soo dhawaynta ayaa sheegay inay si kal iyo laab ah ugu soo dhawaynaayaan wafdiga wasiirada Guud ahaan Gobolka Gardafuu gaar ahaana degmada Bareeda iyo Deegaanka xoogaad

wasiir Anisa C/qaadir xaaji muumin oo ka hadashay munaasibada soo dhawaynta ah oo loogu qabtay beerta xoogaad ayaa marka hore aad ugu mahadcelisay bulshada ku dhaqan xoogaad sida quruxda badan ay ugu oo dhaweeyeen xoogaad ayadoo kala hadashay baahiyaha horumarineed ee uu dagaanku u baahanyahay sida waxbarashada, caafimaadka , iyo adeegyada bulshada ee kale.

wasiir anisa ayaa ugu danbaytii waxay booqatay iskoolka xoogaad oo u baahan dayactir ayadoo ballan qaaday lacag dhan 1000 dollar oo ay kaga qaybqaadanayso dayactirka iskoolka

intaasi kadib waxaa wasiir anisa iyo wafdigeeda si diiran loogo soo dhaweeyay deegaanada tuulo barwaaqo oo horay loogu yaqaanay idajabis ,tooxin , sayn yar , ceel laas , buuro xamur iyo magaala madaxda degmada ee bareeda oo caawa wafdiga wasiiradu ku suganyahay





















Developed by Jago Desain