Tuulada Qarxis oo looga yeeray Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan kadib go’aankii Wasaarada Waxbarashada Puntland.




bulshada tuulada qarxis ee degmada AYL ayaa si deg deg ah uu yeeray xildhibaanada matala si cabasho ay ugu gudbiyaan maadaama uu saamayn ku yeeshay go’aan dhawaan ay soo saartay Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee dawladda Puntland.

Go’aan kasoo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in xarunimadii imtixaan laga qaaday tuulada qarxis oo ardaydooda loo rarayo xarumaha imtixaan ee ugu dhaw sidoo kalena la baabi iyay Natiiada Imtixaankii fasalka 8 aad ee ardaydu gashay.

Xildhibaan Saciid Surcad ayaa ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee halkaas gaaray, waxaana la filayaa in wasaarada waxbarashada ay soo gaarsiiyaan cabashada bulshada qarxis.

Tuulada Qarxis ayaa Sanadkaan waxaa ka dhacay boob loo gaystay imtixaanka Fasalka sideedaad waxaana boobkaas uu sababay in dib loo badalo gabi ahaanba imtixaankii Fasalka sideedaad taas oo khasaari ballaaran uu ka soo gaaray wasaarda waxbarashada iyo laamaha imtixaanaadka.
Developed by Jago Desain