Xog : Isimadda Puntland oo Shir Xasaasi ah uu uga furmay caasimada PL ee Garowe

Xog : Isimadda Puntland oo Shir Xasaasi ah uu uga furmay caasimada PL ee Garowe



waxaa maanta magaala madaxda dawlad goboleedka Puntland ee Garowe si rasmi ah ugu furmay isimadda Puntland shir xasaasi ah, iyagoo go’aan ka gaaraya doorashada xubnaha Puntland uga qeybgalaya Labada Aqal ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Saraakiil kamid ah Guddiga Doorashada ayaa sheegay in arrimaha sida aadka looga hadli doono ay ka mid yihiin nooca ay noqon doonan dadka la doonayo in ay soo doortaan xubnaha labada Aqal.

Guddiga ayaa dadajinaya qorshaha doorashada, maadaama xiliga la qabsaday ay mudo kooban ka hartay, isla makaasna ay soo bixi karaan musharaxiin badan oo u taagan qabashada Xilalkan.

Isimada ayaa ah kuwa ugu dambeeya ee xaliya arrimaha ku saleysan Nidaamka Qabaa’ilka, waxaana lafilayaa in ay doorkooda muujiyaan

Caasumada Dawlad goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa aad looga hadal hayaa howlaha Guddigan iyo Hanaanka doorashada,iyadoo ay joogaan inta badan Siyaasiinta damaca uu kaga jiro Kuraaska xubnaha labada Aqal ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya

Developed by Jago Desain