50 qof oo Soomaali ah oo lagu xukumay dil toogasho ah dalka Hindiya + waa maxay SABABTA ?

50 qof oo Soomaali ah oo lagu xukumay dil toogasho ah dalka Hindiya + waa maxay SABABTA ?



Maxkamad ku taalla dalka India ayaa dil Toogasho ah waxay ku xukuntay 50 qof ooka mid ahaa 119 ruux oo loo soo qabtay falal la xiriira burcad badeednimo, kadib howlgallo ay ciidanka dalkaasi ka sameeyeen badda India Ocean intii u dhaxeysay sanadihii 2001 illaa 2012.

Dadkan la xukumay ayaa la sheegay iney qirteen dambigooda, iyaga oo sheegay in lasoo qabtay xilli ay ku guda jireen falka burcad badeednimada ah, laguna eedeeyay iney geysteen dil.

Mid ka mid ah raggan la xukumay oo magaciisa la yiraahdo Bishaar Xuseen oo qirtay dambigiisa ayaa yiri “waxaan halkaan uga caddeynayaa inaan geystay dambiga la igu soo eedeeyay, waxaana ogahay qiraalkaasi aan sameynayo natiijada ka dhalan karta waxaana diyaar uahay inaan wajaho wax walbo oo la igu xukumo”

Sanadkii hore ayeey ahayd markii mid ka mid ah raggaan loo haysto burcad badeednimada uu ku geeriyooday Isbitaalka Jayjay ee India, kadib markii uu ku xanuunsaday xabsi uu ku jiray.Ninkan dhinta ayaa lagu magacaabayey Cabdi Jaamac, 28 sano jir ahaa, ayaa la xanuunsanaa cudurka qaaxada iyo cuduro kale oo la xiriira sambabada.

Dhammaan 50 qof ee dowladda India ku xukuntay dilka toogashada ah ayaa dhalashadooda lagu sheegay Soomaali.

Soomaali badan oo lagu eedeeyay iney burcad badeed yihiin ayaa ku jira xabsiyo ku yaalla dalka India kuwaasi oo dhibaato badan kala kulma xabsiyada ay ku xiran yihiin iyadoo aysan cidna ka hadal arintooda.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain