akhriso magacyada : General Moorgan iyo Faroole oo kujira Xubnaha Aqalka sare Ee Puntland u matalaya Somalia Yaa kaloo ku Jira

akhriso magacyada : General Moorgan iyo Faroole oo kujira Xubnaha Aqalka sare Ee Puntland u matalaya Somalia Yaa kaloo ku Jira



waxaa si hoose u soo gaaraya warbaahinta magacyada qaar ka mid ah 11-ka xubnood ee aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ay dawlad goboleedka Puntland ku lee dahay kuwaas oo uu madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu baarlamaanka Puntland u soo gudbin doono ka dibna baarlamaanku ay soo xuli doonaan.

Sida Qorshuhu ahaa 25-kii September oo shalay ku beegnayd ayuu dhigayay Jadwalka Doorashada2016-ka in la lasoo bandhigo 54-ta xubnood ee aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ka dib marka ay soo gudbiyaan baarlamaanada dawlad goboleedyadu.

11-ka xubnood ee Puntland ay saamiqaybsiga ku heshay, ayaa laga rabaa puntland inay ku diyaaroso inta ka horraysa 6-da October 2016, taariikhdaas oo la soo bandhigi doono guud ahaan 54-ta xubnood ee Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa baarlamaanka Puntland u gudbinaya ugu yaraan 22 xubnood uu tartamaya aqalka sare, ka dibna baarlamaanka ayaa soo dooranaya 11 xubnood oo madaxwaynuhu saxiixi doono gudbinna doono.

Hadaba warbaahintaoo xiriiro kala duwan la sameeyay dhinacyada ku hawlan soo xulista xubnaha aqalka sare ee Puntland ka imaanaya ayaa ogaaday in ugu yaraan 7 siyaasi oo caan ah ay mar hore beelahooda kasoo heleen kuraasta aqalka sare waxayna kala yihiin.

1. Dr. Cali Xaaji Warsame (Musharax madaxwyne 2016).
2. Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole (Musharax madaxwyne 2016).
3. Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake (Musharax madaxwyne 2016).
4. Axmed Cabdi Xaabsade.
5.Cabdi Cali Ismaaciil Cabdi Giir.
7.Proff. C/risaaq Cismaan Xassan Juurile.
8. Gen. Maxamed Siciid Moorgan.

Developed by Jago Desain