Ciidanka PIA-da Puntland oo Mushaar La’aan la Gadoodsan oo Maanta Bangiga Garoowe

Ciidanka PIA-da Puntland oo Mushaar La’aan la Gadoodsan oo Maanta Bangiga Garoowe
Wararka ka Imaanaya Magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamo Gadoodan oo ka tirsan PIA-da ay la wareegeen Bangiga Magaalada Garoowe.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka Careysanyihiin Mushaar la’aan Mudo soo food saartay waxaana ay Maanta iyagoo Hubeysan ay la wareegen Xarunta Bangiga ee Magaalada Garoowe.

Ciidanka PIA-da ayaa Puntland u qaabilsan Dhinaca Daba galka iyo Muqaabaraadka, waxayna horay uga mid ahaan jareen ciidamada PSF, Balse waxaa la kala qaaday Xiligii C/Raxman Faroole uu Madaxweynaha ka aha Puntland.

Dawlad Goboleedka Puntland  wali kama aysan Hadlin Ciidankaan Gadoodka Sameeyey ee Maanta la wareegay Bangiga Dowlada ee Garoowe Mana ahan Markii ugu Horeysay oo ay Ciidamo ka tirsan Puntland ay Sameeyaan Gadood Iyagoo ka Cabanaya Mushaar la’aan

SHBAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain