September 20, 2016

Dacwada badda: Warbixin uu yusuf Garaad kusoo koobay jawaabtii Somalia bixisay

SHARE
Afar qareen oo caalami ah ayaa maanta bixiyay Jawaabta Soomaaliye ee ku wajahan diidmada Kenya ay dooneyso in ay isku hortaagto in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay gasho kiiska muranka soohdinta badeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa xusuus mudan in ay dacwadda badda ay marka hore Makxmadda u gudbisay Soomaaliya oo dalbtay in ay calaamadeyso soohdinta badda ee labada dal.

Kenya diidmadeeda waxay u cuskaneysaa waxyaabo ay ka mid yihiin in aan labada dhinac weli si miisaan leh uga wadahadal wakhti ku filan in ay xal ku gaaraan, taas oo ah waxa ay ku heshiiyeen markii ay 7-dii April 2009 ay Nairobi ku kala saxiixdeen Is-Afgarad.

Kenya waxaa dooddeeda ka mid ah in maanta waxa aan heshiis lagu ahayn ay dhici karto in mustaqbalka heshiis laga gaaro.

Jawaabta Soomaaliya waxaa maanta bixiyay afar qareen oo caalami ah. Waxaa u horreysay Dr. Mona Sharmaan, oo iyadu ah qareen Soomaaliyeed.

Mona waxaa ay ku billowday magaca Eebbe. Waxaa ay ka mahadcelisay abaalka ay Kenya shalay sheegatay in ay u gashay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay ciidammada dalkeeda ka jooga Soomaaliya. Waxaa kale oo ay u mahadcelisay dhammaanba dalalka kale ee Afrikaanka ah iyo kuwa kaleba ee gacanta siiya Soomaaliya.

Ka dib Mona waxay sheegtay in Soomaaliya ay maanta awood u yeelatay in ay xuquuqdeeda ay daafacdo iyada oo u mareysa nidaam caalami ah oo lagu xalliyo khilaafaadka. Xuuqdaas oo ay ka mid tahay xuquuqda badda iyo kheyraadkeeda. Maaddaama aan ka mid nahay ayay tiri dalalka adduunka ugu saboolsan, kheyraadka baddu waa hanti Qaran oo halbowle ah, aadna muhiim ugu ah horumarka mustaqbalka iyo xasilloonida dalkayaga. Waa kheyraad xaqiijin kara ayay tiri in horumarka dalkayagu uu ku sii socdo hab dadka Soomaaliyeed oo dhan faa’iido ugu jirto.

Haddana awooddii aan u heli lahayn in aan kheraadkaas ka faa’iideysanno iska daaye xataa in aan baarno oo aan ogaanno meesha laga heli karo waxaa naga hor taagan soohdin badeedda annaga iyo Kenya oo aan asteysneyn. Mona waxay sheegtay in ay Soomaaliya is xakameysay, oo ay ka gaabsatay in ay wax howl ah ka fuliso aag badeedka lagu muransan yahay. Waxaa wax laga xumaada ah, ayay tiri Mona, in taa cagisgeed ay Kenya u dhaqantay sidii iyada oo aagga lagu muransan yahay ay iyadu leedahay. Waxay heshiisyo la gashay sharikado shidaalka baara oo haddadaas ku guda jira baaritaan.

Soomaaliya aad ayay uga walaacsan tahay sida Kenya ay u wajahday arrintan ayay Mona ku tilmaantay waxayna raacisay in Danjire Kenyan ah oo shalay Maxkamadda ka hadashay ay Soomaaliya ku eedeysay in ay dacwaddan xumaan ula dan leedahay, welibana ay khiyaamo ku tilmaantay.

Mona waxay ku jawaabtay in ay nasiib darro tahay eedyenta noocaas ahi, isla markaasna aan xumaan lagu tilmaami karin in caddaalad caalami ah la isla hortago.

Maxkamadda kama dalbayo maanta, ayay tiri Mona, wax ka badan ama ka yar in ay asteyso soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee badweynta India.

MoU – Soomaaliya iyo Kenya

Waxaa xigay Prof. Alain Pellet oo sida ay tahay u kala dhigdhigay una icraabay fasiraadda afka qaanuunka ee Is-Afgaradka ay gaareen Soomaaliya iyo Kenya, 7-dii April 2009.

Prof. Pallet, wuxuu sheegay in aan Is-Afgaradkaasi ahayn sida keliya ee lagu xallin karo khilaafka u dhexeeya labada dal. Welibana khasab ka dhigaya in xalka lala sugo soo jeedinta Guddiga CLCS ee Qarammada Midoobay oo ay labada dal mid waliba sida ay isaga la tahay u gudbiyay sheegashada soohdin badeeddiisa.

Paul Reichler ayaa isaguna qaatay oo ku caddeeyay in aan labada dhinac waa Soomaaliya iyo Kenya aan midnaba marnaba u qaadan in Is-Afgaradku yahay ama loogu talo galay in uu noqdo qaab loo raaco xallinta khilaaf.

Ujeeddada keliya ee laga lahaa Is-Afgaradku wuxuu ahaa ayuu yiri in CLCS uu u suurta geliyo CLCS in ay eegto soohdimaha labada dal ay sheeganayaan. Taas waxaa muujinaya markhaatina ka ah ayuu yiri sida ay labada dal u macaammilaan iyo sida uu Wasiirkii heshiiska u saxiixay Soomaaliya uu u macneeyay fahamkiisa.

Reichler wuxuu sheegay in heshiiskan oo ay diyaarisay Norway ay marka hore kala hadashay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, ka dibna ay Soomaaliya codsatay in cinwaanka wax laga beddelo. Waxaa la soo bandhigay email uu diray Ra’iisal Wasaare-ku-xigeenku.

Marka la eego cinwaankii hore iyo midka hadda ahba waxay caddeynayaan in ujeeddada dokumentigaas loo kala saxiixday ahayd oo keliya in labada dal uu mid waliba Guddiga CLCS u gudbiyo soohdintiisa sida uu u arko.

Sheegashada Kenya ee ah in aan labada dhinac wadahadal, wuxuu ku tilmaamay in aanay sax ahayn.

Kulammada dhex maray Kenya iyo Soomaaliya mid ka mid ah oo ay Goobjoog ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa Dr. Cabdiraxmaan Beyle oo markaa xilka hayay uu weydiiyay dhiggiisa Kenya, Danjire Amina Mohamed, ilaa goorma ayay tahay in wufuudda labada dal sii wadaan wadaxaajoodkan kulul ee ay qoorta iskula jiraan iyada oo aanuu muuqan xal ay gaari karaan.

Wasiir Amina waxay jawaabteeda ku sheegtay in inkasta oo labada ergo ay mowqifyadoodu kala fog yihiin in haddana ay jeclaan lahayd in labada wafdi ay hal mar oo ah marka ugu dambeysa ay kulmaan si ay isugu dayaan in ay gaaraan xal saaxiibtinnimo.

Shirka saddexaad noqonna lahaa kan ugu dambeeya ee ama lagu heshiinayo ama dacwad looga gudbayo waxaa lagu ballamay in lagu kulmo Muqdisho. Wafdigii Kenya waa la waayay oo uu wuu imaan diiday. Isla markaana kuma soo wargelin Soomaaliya sababta ay uu uga baaqday shirka. Maxkmadda ayay Kenya shalay ka sheegtay sababta ay u maqnaatay in ay ahayd arrin amniga la xiriirta.

Reichtler wuxuu sheegay in maaddaama labada dhinac ay kala fogaadeen, xal aanuu muuqan, Kenya iyada oo aan fasiraad ka bixin ay ka baaqsatay shirkii ugu dambeeyay, in Soomaaliya ay go’aansato in ay dacwooto ma ahan ayay yiri sida Kenya ay ku tilmaantay deg deg iyo khiyaano toona.

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenku wuxuu email uu u diray Danjiraha Norway uga mahadceliyay in ay qabashada how uu yiri waxay ahayd in aan annagu qabanno.

In Kenya ay dooneyso in ay soo nooleyso Is-Afgaradkii 2009, si ay isugu hor taagto sharciyadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay muujineysaa ayuu yiri in Kenya ay ku jirto xaalad adag, haddaanayba ahayn xaalad cakiran. Dooddan cusub ee Kenya wuxuu ku tilmaamay in ay tahay mid aan macna sameyneyn.

Haddii la rabo in mar kale la dilo fasiraadda Kenya ee Is-Afgaradka, waxaa la soo xigan karaa Qoraalka Diplomaasiyadeed ee Kenya ay u dirtay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay ku sheegtay in Kenya ay doorbideyso in ay arrinta ku xalliso wadaxaajood laba geesood ah oo heerka ugu sarreeya ah oo ay la gasho Soomaaliya si dhakhsa lehna u xalliso khilaafka. Paul wuxuu sheegay in taasi ay muujineyso in aan Kenya rumeysneyn in Is-Afgaradku yahay tabta loo raacayo xallinta khilaafka. Sababta oo ah Is-Afgaradka waxaa ku qoran keliya in wadahadal furmi doono ka dib marka CLCS ay soo jeediso bareeraheeda ku saabsan soohdinta labada dal.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka saxiixsay Is-Afgaradku wuxuu sheegay in uu fahamkiisu ahaa in sababta uu u saxiixay ay tahay in Soomaaliya iyo Kenya ay u suurto gasho in uu mid waliba uu soohdimihiisa iskiis ugu gudbiyo SLCS.

Qareennada Soomaaliya waxaa hadalkooda soo gunaanaday Prof. Philippe Sands. Isaga oo hadalkiisa ku wajahaya Guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda wuxuu yiri, waxaan rajeynayaa in aad aragto in Kenya diidmada hordhaca ah ee Kenya aad u aragto waxa ay tahay; waa in ay sii dheereyso xaalad aan caddaalad ku dhisneyn oo bilaa mada’ ah. Kenya waxay dooneysaa in ay dacwadda is hirtaagto si ay u furto wadahadal aan dhammaad lahayn, muhiimad looga qeyb galaana aanay jirin.

Qareennada Soomaaliya u dooday waxay u dhasheen Faransiis, Mareykan iyo Ingiriis.

Dad Online farriimo iigu soo diray aad ayay ula dheceen sida ay Soomaaliya isu daafacday.

Mid ka mid ah wuxuu ii soo qoray “Sida aad isu daafacdeen aad iyo baa maqsuud looga yahay.”

Waxaa Diyaariyey Yuusuf Garaad oo Goob jooge ka ahaa Maxkamada.
SHARE

Author: verified_user