Dagaal Xoogan oo U Dhexeeya Habar Gidir & Biyo Maal oo Caaway Ka Socda Magaalada Marka

Dagaal Xoogan oo U Dhexeeya Habar Gidir & Biyo Maal oo Caaway Ka Socda Magaalada Marka
Dagaalka ayaa qarxay gelinkii dambe Ee Maanta waxaana uu udhaxeeyaa Maleeshiyo kala taabacsan Beelaha Habar Gidir iyo Biyo Maal.

Xaafada Buula jaan Ee Magaalada Marka Cadeey ayaa dagaalka uu ka socdaa sida dad deegaanka ah ay Caawa Maqribkii xaqiijiyeen iyadoo rasaas la isweydaarsanayo.

Mid ka mid ah Maleeshiyo Beeleedka ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Fariisin Maleeshiyaad ay ku lahaayeen Xaafada Buula Jaan sidaana dagaal uu ku qaray.

Khasaaaro lama sheegi karo maadama weli rasaastu socoto oo maleeshiyaadkuna ay gurmad kala helayaan.

Xilliga ayaa habeen ah waxaana dhawaan sidaan oo kale dagaal beeleed uu ku dhexmaray Maleeshiyaadka Caawa ku diriraya Magaalada Marka Cadeey iyadoo dhowr jeer Dagaal Beeleedka uu soo laab laabtay.



Developed by Jago Desain