DHAGAYSO : Wasiir kuxigeenkii hore Arimaha gudaha & Fedraalka Soomaaliya oo odayaasha uga Digay inay nin jeclaysi iyo eexasho kusoo xulaan xildhibaanada matalaya aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

DHAGAYSO : Wasiir kuxigeenkii hore Arimaha gudaha & Fedraalka Soomaaliya oo odayaasha uga Digay inay nin jeclaysi iyo eexasho kusoo xulaan xildhibaanada matalaya aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda arimaha gudaha iyo Fedraalka Soomaaliya ahaana wasiirkii warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka Puntland xiligii dowladii Cade Muuse Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Bangax ayaa ka hadlay soo xulida xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Bangax ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo Xildhibaano badbaadiya mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed waxaana uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka inay soo xulaan Xildhibaano karti iyo aqoon u leh inay dalka ka saaraan Marxalada uu ku jiro.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Bangax ayaa waxaa uu sheegay in odayaasha looga baahanyahay inaysan nin jeclaysi iyo eexasho ay kusoo xulin xildhibaanada matalaya aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda arimaha gudaha iyo Fedraalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Maxamed Bangax ayaa dhankale sheegay inuu yahay musharax u taagan Xubinta xildhibaanimada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu sheegay in hadii xilkaas uu ku guulaysto uu noqon doono mid si daacad ah ugu adeega Bulshada Soomaaliyeed.

Fiiro Gaar ah : Waraysiga waxaan ka soo xiganay warbaahinta Raxanreeb

Halkaan hoose Ka dhagayso waraysiga


Developed by Jago Desain