Dowladda Puntland oo ka tacsiyeeysay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Cumar Faaruuq

Dowladda Puntland oo ka tacsiyeeysay geeridii ku timid Cumar Faaruuq
Dawladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxii Ganacsiga shirkadda isgaasiinta ee Golis Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruq) iyo wiil uu dhalay oo maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka magaala madaxda Puntland ee Garowe.

qoraalka ayaa lagu yiri : 
"Dowladda Puntland waxay tacsi udiraysaa qoyskii iyo qaraaabadii uu ka tagay Cumar Faaruuq, waxayna Eebbe uga baryaysaa inuu janadii Fardowso ka waraabiyo., sidoo kale waxay dowladda Puntland caafimaad degdeg ah u rajeynaysaa dadkii kale ee shilkaas ku dhaawacmay oo ehelkiisa kamid ahaa.

Allaha u naxariistee Marxuum Cumar Faaruuq ayaa xilal kale duwan ka soo qabtay shirkadda Golis, waxa uu horey u ahaan jiray madaxa suuq geynta shirkadda, kadibna waxaa loo bedelay madax ganacsiga shirkadda

inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun 
Developed by Jago Desain