Faahfaahin kale oo ka soo baxday lacagtii laga dhacay bankiga dhexe

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaabkii loo dhacay qasnadda Dowladda ay ku lahayd Bankiga dhexe ee Soomaaliya bartamihii toddobaadkan, iyadoo weli aan la helin qasnajigii falkaasi ka dambeeyay oo isagu ku bedelay lacag u dhiganta oo been abuur ah.

Falkaasi lagu dhacay 530-Milyan Dollar oo taala Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay Dowladda Federaalka iyo mushaarka shaqaalaheeda oo markii horeba aan si toos ah loo bixin.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu sii dhamaanayo ayaa dood uu uga qeyb galay idaacadda BBC-da waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u shaqeeyo Bankiga dhexe, isagoona sheegay in furaha qasnadda Dowladda ay hayaan ilaa saddex qasnaji oo uu ka mid ahaa ninka la baadi goobayo.

“Qasnad kasta oo Bankiga dhexe uu leeyahay furaheeda waxaa haya saddex qof, waxaa kale oo uu leeyahay Cameerooyinka qarsoon ee CCTV loo yaqaano, wixii kale ee faahfaahin ah waxaa la weydiinayaa Guddoomiyaha Bankiga ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in arrimahaasi looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada.

Marka la eego hadalka Wasiir Maareeye ayaa muujinaya in caddeymo dhameystiran loo hayo cidii ka dambeysay lacagta laga dhacay qasnadda Dowladda ee Bankiga dhexe iyo tafaasiil dheeraad ah oo laga ogaan karo Cameerooyinka ku xiran xafiisyada Bankiga.

Mudadii afarta sano ahayd ee ay dalka maamuleysay Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud waxaa dalka ka dhacay dembiyo waaweyn oo ay ka mid tahay in Dekedda Muqdisho laga soo dejiyay Kontenaro lagu soo raray walxaha qarxa, dharka ciidamada iyo agab kale oo laga sameeyo qaraxyada.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah Kontenaradaasi, iyadoo ilaa iyo iminka oo ka soo wareegatay muddo saddex sano ka badan wax natiijo ah kama soo bixin baaritaanada la sheegay inay ugu jirto ganacsatadii Muqdisho ka soo dejisay qalabkaasi, iyadoo ay weli taagan tahay khatarta dhinaca amniga ee magaalada ka jirta.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain