Guddiga doorashooyinka oo ka hadlay xulista ergada

Guddiga doorashooyinka oo ka hadlay xulista ergada
47 sano ka dib, Soomaliya waxay u dhaqaaqday inay qabsato doorashooyin 2016 ka. Doorashadan dadban waxay ka duwan tahay dhammaan hannaankii hore ee soo xulidda wakiillada dadweynaha ee hay’adihii hoggaaminta ee dalka horey uga dhacay.

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), asagoo ka amba qaadaya arrintaas, wuxuu u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada beesha caalamka in hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka uu marayo heer wanaagsan. Guddigu wuxuu sameeynayaa dadaal kasta oo lagu hubinayo in hannaanka geeddi socodka doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay ku qabsoomaan waqtigii loogu tala galay. Sidoo kale, GFHDD wuxuu xoogga saarayaa in doorashooyinka 2016 ka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay noqdaan doorashooyin daah furan oo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa wacyigelin la siiyay Madax-dhaqameedyada oo lagu tababaray doorkooda iyo masuuliyadahooda la xiriira soo xulidda ergooyinka iyo asteeynta kuraasta ay u tartamayaan haweenka ee doorashooyinka 2016 ka.

Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedyada. Waxaa socda soo dhameystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la sugay goobihii cod bixinta marka laga reebo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa lala wadaagay bulshada xogta ku saabsan doorashada 2016 ka iyadoo la qabtay war saxaafadeedyo, shirar jaraa’id iyo waraysiyo ay GFHDD si joogto ah u siiyeen Idaacadaha, telefishannada dalka iyo warbaahinta caalamka kuna soo baxay shabakadda doorashada 2016 ka (www.doorashada2016.so) si bulshada loola socodsiiyo geeddi socodka doorashada iyo heerarka ay marayso.

Inkastoo horumar baaxad leh laga sameeyay arrimaha doorashooyinka, welina aan qorsheyneyno in aan ku soconno jadwalkii shaqada, haddana waxaa jira in hawlaha qaar ay ku dhameystirmi karin waqtigii loogu talagalay in lagu qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siyaasadeed, amni, hannaanka maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhameeystirin liisaska ergooyinka.

GFHDD waxuu ku hawlan yahay dadaallo uu xal ugu raadinaayo arrimaha Somaaliland ee la xiriira doorashada dadban iyo xal u helidda goobta lagu qabanayo doorashooyinka Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Haddaba si loo dardar geliyo hawlaha doorashada, isla markaana xal looga gaaro caqabadaha taagan, GFHDD iyo guddoomiyayaasha GDGHDD ayaa kulan wadatashi ah u billaabanayaa 23da Sebtembar 2016, kulankasoo ka dhici doona magaalada Muqdisho laguna go’aamin doono dib u xaqiijinta iyo ilaalinta farsamo ee jadwalka doorashada 2016 ka.

Haddaba, GFHDD waxuu ku boorinayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayagoo xil iska saaraaya in uusan dib u dhac ku imaanin hannaanka doorashooyinka 2016 ka.

GFHDD wuxuu halkaan uga mahad celinayaa Madasha Hoggaanka Qaran oo maanta soo gudbiyay liiska magacyada Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.

GFHDD waxuu u mahad celineynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taagerada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

Waxaa sidoo kale mahadnaq mudan saaxiibada beesha caalamka taageerada maaliyadeed iyo midda farsamo ee ay ka gaysteen hirgalinta doorashadooyinka dadban ee 2016 ka.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain