Madaxweynaha Dawlada Puntland oo diidey in wax mudo dheeraad ah loogu darro Hay’addaha Dawlada

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo diidey in wax mudo dheeraad ah loogu darro Hay’addaha Dawlada
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay shirkii Madasha Wadatashiga Soomaaliyeed ayaa si adag u diidey qorshe kasta oo dib u dhac uu ku gali karo hanaanka doorashada Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan marnaba aqbali doonin qorshe kale oo dib loogu ridayo hanaanka doorashada.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay Puntland & Shacabkeedu waqti galiyeen sidii doorashadan ay ku dhici lahayd, aysana aqbali doonin in mudo kororsi hadda ah la sameeyo “marnaba ma aqbali doono dibu dhac dambe oo Doorasho kuyimaada” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii anba qaadi lahaa qorshe howleedyada lagu diyarinayo doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016, waxaana la isla qaatay in ay muhiim tahay doorasho dalka ka dhacda sanadkan 2016, taasi oo lagu gelayo qorshayaasha ay madashu ka wada tashatay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee doorashada Soomaaliya ayaa caddeeyey in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay si adag ugu diyaar garoobeen inay dalka ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin dib u dhac ku yimaada mar kale doorashada Soomaaliya.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
'Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain